Wareega saddexaad ee tartanka doorashada Madaxtinimada Maamulka Galmudug, ayaa waxaa isugu soo baxay labo musharax oo kale ah C/kariin Xuseen Guuleed iyo Axmed Macalin Fiqi.
Axmed Cabdi Salaan ayaa ku haray wareega labaad, maadaama ay ka codbadiyeen labadaan musharax.
Wareega saddexaad ayaa waxaa ku tartami doona Axmed Macalin Fiqi iyo sidoo kale C/kariin Xuseen Guuleed, maadaama ay isku soo hareen labadooda kaliya.
C/kariin Xuseen Guuleed ayaa helay 42 cod
Axmed Macalin Fiqi ayaa isagana helay 32 cod
Axmed Cabdi Salaan wuxuu ku haray 15 cod.
Qaybta saddexaad ee doorashada oo ah mida ugu dambeysa ayaa la guda galayaa, waxaana codka ugu horeeya dhiibanaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug.