spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeCali Ameeriko oo ka hadlay sababta loogu diiday inuu galo Beladweyne
Array

Cali Ameeriko oo ka hadlay sababta loogu diiday inuu galo Beladweyne

Safiirkii hore ee Somalia u fadhin jiray dalka Kenya Amb. Maxamed Cali Ameeriko ayaa loo diiday inuu galo Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Cali Ameeriko oo waayahan socdal ku maraayay Gobolada dalka Somalia, ayaa laga celiyay duleedka Magaalada Beladweyne ee Gobolka Hiiraan, kadib amar kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C.fataax Xasan Afrax.
Cali Ameeriko oo ka hadlay sababta loogu diiday inuu galo Magaalada Beladweyne, ayaa sheegay inuusan garan karin sababta loogu diiday Magaalada Beladweyne inuu galo.
Waxaa laga celiyay Cali Ameeriko deegaanka Beer gadiid ee duleedka Magaalada Beladweyne, iyadoo halkaasi lagu soo dhaweeyay, balse mar qura ayaa waxaa amar bixiyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Muqdisho ku sugan, sheegayna inuusan geli karin Cali Ameeriko Magaalada Beladweyne.

maxamed Cali Nuur Americo

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular