spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeCaruur sooomaaliyeed oo isku qoyska ahaa oo ku dhintay Dalka Masar
Array

Caruur sooomaaliyeed oo isku qoyska ahaa oo ku dhintay Dalka Masar

Dalka Masar wararka laga helayo ayaa sheegaya in ilaa 5 ruux oo Soomaali ah ay xalay ku dhinteen dalkasi markii ay ku neefqabatimoobeen gaaska wax lagu karsado.

Shanta ruux oo caruur u badan ayaa la soo sheegayaa inay kala yihiin sedex Gabdhood iyo wiil isla dhashay iyo sidoo kale gabar shaqaale u ahayd caruurtaasi kuwaasoo xalay markii ay saaxanayeen iloobay inay gaaska iska xiraan.

Dhamaa shanta ruux ee dhintay ayaa la sheegay inay awoodi waayeenn inay iska xiraan gaaska waana caado lagu yaqaan Gaaska in qofku aanu awoodin inuu iska xirato hadiiba uu ku furmo.

Magacyada meydadka Caruuurta isla dhashay ayaa lagu kala magacaabi jirey Muna Mukhtar Xasan,Najma Mukhtar Xasan,Yusra Mukhtaar Xasan iyo C/fitaar Mukhtar Xasan.

Soomaali Qaahira ku sugan ayaa u sheegay idaacada VOA-da inay tageen guriga mashaqadaani ka dhacday markii ay albaabka garaaceen ay waayeen wax ka fura laakiin markii la jebiyay ay gudaha ugu tageen meydadka shantaasi ruux ee Soomaaliya.

Meydadka waxaa la geeyay Isbitaalada halkaasoo lagu baarayo hadii ay jirio karto wax ka baxsan gaaska oo keeni kara in dadkaani u dhinteen walow hada waxa muuqda ay yihiin Gaasjka.

Hooyada dhashay Caruurtaan oo magaceeda lagu sheegay Saynab Axmed Maxamuud ayaa la sheegay inay ku nooshahay dalka Swden halka aabaha dhalay caruurtaan uu isna hore ugu geeriyooday Magaalada Hargeysa.

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular