spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeCiidamada ammaanka oo howl gallo ballaaran ka wada qeybo ka mid ah...
Array

Ciidamada ammaanka oo howl gallo ballaaran ka wada qeybo ka mid ah Muqdisho

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa howl gallo ballaaran ka wada qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo howl galkan xoogiisa uu ka socdo degmada Hodan, halkaasoo illaa iyo hada dad badan lagu soo qabtay.

Wararka ayaa sheegaya in howl galka uu saameeyay dhaq dhaqaaqii guud ee xaafada Zone K, waxaana lagu soo waramayaa in dad kor u dhaafaya kontameeyo ruux lagu soo qabtay.

Howl galkan oo bilowday xalay saqdii dhexe ayaa waxaa hogaaminayay Saraakiisha Hey’adda Nabadsugida, waxaana ciidamada ay mid mid u baarayeen guryaha.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saakay ay ku soo tooseen ciidamada oo albaabka guryahooda taagnaa, isla markaana ku hareereysan xaafadaha.

Warar horu dhac ayaa sheegaya in ciidamada ay meelaha qaar ka soo heleen hub iyo waxyaabo kale, waxaana laga war dhowrayaa in saraakiisha ay ka war bixiyaan.

Hey’addaha ammaanka dowladda ayaa sheegay inay xoojinayaan howl gallada amniga lagu xaqiijinayay, iyadoo maalmihii u dambeeyay howl galada ay ka socdeen illaa duleedyada Muqdisho.

 

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular