spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeCiidamada Daraawiishta Puntland oo gadood sameeyay iyagoo ka cabanaya mushaar la’aan
Array

Ciidamada Daraawiishta Puntland oo gadood sameeyay iyagoo ka cabanaya mushaar la’aan

Wararka ka imanaya magaalada Garowe ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in ciidamo aan tiradooda la shaacin oo ka mid ah daraawiishta Puntland ay gadood ka sameeyeen maanta xero ay ku jireen oo ku taal duleedka magaalada Garowe.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay diideen inay amarada ka qaataan madaxdooda iyagoo bilaabay in ay rasaas furan taasoo laga maqlay inta badan magaalada Garowe ee xarunta u ah maamulka Puntland.

Xerada 54 aad oo ku taal duleedka Garowe ayaa waxaa ku xereysan ciidamo kala duwan ee lagu soo tababarey dalka Ethiopia, Waxeyna Sheeganayaan in wax mushaar ah aysan qaadan muddo dhowr bilood ah.

Mid ka mid ah ciidamada gadoodka sameeyay ayaa sheegay in muddo 28 bilood ah aysan wax xuquuq ah helin ciidamada daraawiishta. “Tan iyo markii uu madaxweyne ka noqday Cabdiweli Maxamed Cali Gaas aysan wax mushaar ah helin horana  maamulkii ka horeeyay aysan wax xuquuq ah ka helin.” ayuu yiri Kornel Cali Xirsi Cartan oo ka mid ahaa ciidamadii gadoodka sameeyay maanta.

Ciidamadan gadoodka sameeyay ayaa waxaa ay xerada ka saareen taliyaashii xukumeysay waxayna u diideen in ay soo galaan saraakiil kale oo dooneysay inay la hadlaan.

Illaa hadda ma jirto wax war ah oo si rasmi ah ugaga soo baxay maamulka Puntland, hase ahaatee gadoodka ay sameeyaan ciidamada Puntland ayaa ah mid joogto noqday waxana ay ciidamadan ay sameeyeen gadood kan lamid ah horaantii bishii July ee sanadkii 2014.

Ciidamada_Puntland_oo_Gadood_Sameeyay_660

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular