spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeCiidamada Doowlada Iyo Kuwa Nabad Ilaalinta Oo Xalay Hoowlgalo Kasameeyay Deegaanka Ceelsha...
Array

Ciidamada Doowlada Iyo Kuwa Nabad Ilaalinta Oo Xalay Hoowlgalo Kasameeyay Deegaanka Ceelsha Biyaha

Howlgal dad lagu soo qab qabtay oo ay si wada jir ah isaga kaashanayeen ciidamada nabadsugidda, booliiska iyo AMISOM ayaa laga sameeyay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.

Howgalka oo billowday saqdii dhexe ee xalay ayaa soo gebageboobay waaberigii saaka, iyadoo ciidamadu ay mid mid u baarayeen guryaha deegaankaasi, waxaana lagu soo qabqabtay, 155 qofood, oo Siddeed ka mid ah lagu eedeeyay iney ka mid yihiin kooxda UGUS.

Dadka ku nool deegaankaasi ayaa si weyn u soo dhaweeyay howlgalka ciidamada, waxeyna u farmuqayeen guryaha ay ku jiraan shaqsiyaadka ka tirsan Argagixisada ee ku dhuumaaleeysanaya deegaankaasi.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladdu ugu jirto xaqiijinta amniga dalka islamarkaana looga hortagayo falalka amnidarrada ah ee kooxda UGUS ka geysato gudaha dalka.

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular