spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeCiidamada Dowlada Iyo Al.shabaab Oo Ku Dagaalamay Degaano Katirsan Gobolka Bay
Array

Ciidamada Dowlada Iyo Al.shabaab Oo Ku Dagaalamay Degaano Katirsan Gobolka Bay

Dagaal qaatay saacada badan ayaa Ciidamada AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ku dhex-maraya duleedka degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay, iyadoo Al-shabaab ay guulo ka sheegatay dagaalladan.

Iska-horimaadkan oo ah mid xooggan ayaa ka dhacaya deegaanka Jameeco oo qiyaastii 20-KM dhinaca Bari ka xigta degmada Buurhabaka ee gobolka Bay, iyadoo saraakiil u hadlay Al-shabaab ay sheegeen in dagaalka ay ku dileen tobaneeyo AMISOM ka tisran, ayna ku gubeen gaadiid dagaal.

Saraakiisha Ururka Al-shabaab ayaa xusay in dagaalka uu weli ka socdo meeshii uu ka billowday shalay, iyadoo aan sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalkan.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka lagu dagaalamayo aya Warbaahinta u sheegay inay tan iyo shalay maqlayeen Hubka noocyadii kala duwan , welina Dagaalladu ka socdaan Halka lagu magacabo Jameeco.

“Dagaalku waa mid culus… hubka nocoyadii kala duwan ayaana weli laga maqlayaa halka uu dagaalku ka socdo oo ah Jameeco… ma sheegi karo khasaaraha ka dhashay dagaalka… balse waxaan maqlay inay ku dhinteen dhinacyada dagaalku u dhexeeyo,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool deegaan ku dhow Jameeco.

Ciidamada AMISOM ayaan weli Dagaalladan ka Hadlin, iyadoo aysan ahayn Markii ugu horreysay oo ay xoogagga Al-shabaab iyo AMISOM ku dagaalamaan Waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular