Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM Ayaa howlgal ballaaran oo ay ka sameeyeen degmada Buuloburde ee gobalka Hiiraan ku soo qab qabtay dad gaaraya ilaa Labaatan qof oo looga shakiyay Al.Shabaab.
Gaashaanle Maxamed Ibraahim Baakaay oo ah taliyaha ururuka Koowaad, ee Guutada Tobanaad ciidanka xooga dalka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalada ahaayeen kuwo lagu xaqiijinayay amniga guud ee degmada Buuloburde.
Taliyaha ayaa sheegay in amniga Buuloburde hadda aad la’isugu haleen karo, islamarkaana mas’uuliyiinta dowladda ay ciidan la’aan dhex mari karaan degmadaasi.
Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay howlgal ka wadeen degmada Buuloburde iyo sidoo kale deegaano hoostaga degmadaasi.