spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeCiidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo la sheegay In Ay Qabsadeen...
Array

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo la sheegay In Ay Qabsadeen Degaano Katirsan Sha/ Hoose

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom, ayaa la sheegayaa inay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Toora Tooroow oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose.

Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliya C/risaaq Khaliif Cilmi, ayaa sheegay in ciidamada ay la wareegeen gacanta ku haynta deegaankaan oo Shabaab ay ku sugnaan jireen.

Wuxuu sheegay in ciidamadii Shabaabka ay isaga carareen deegaanka, markii ay ogaadeen in ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay ku sii jeedaan deegaankaan.

Abaanduulaha ayaa tilmaamay in ciidamada si wanaagsan loogu soo dhaweeyay deegaanka, iminkana ay wadaan baaritaan ku aadan hadii Shabaabka dadka ay ku dhex-dhuumanayaan.

Al Shabaab kama aysan hadlin arintaan ku aadan in deegaanka Toora Tooroow lagala wareegay iyadoo dagaal uusan dhicin.

amisom iyo sidii AMISOM-262x309
MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular