Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa Barre Aadan Shire Barre Hiiraale ay ku dagaalameen Duleedka Magaalada Kismaayo.
C/rashiid Macalin Gaas oo kamid ah Ciidamada Taageersan Barre Aadab Shire Barre Hiiraale ayaa sheegay in dagaalka ay ku soo qaadeen Ciidamada Maamulka Jubbaland mana sheegin wax khasaaro ah oo soo kala gaaray Labada Dhinac.
Hayeeshee Ma ahan Markii ugu horeeysay oo Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Barre Hiiraale ay isku Farasaaraan Gobolka Jubbada Hoose.