Ciidamada amaanka Dalka Kenya ayaa howlgal balaaran waxa ay ka sameeyeen Gobolka Waqooyi Bari Dalka Kenya gaar ahaan Xerada Qaxootiga IFO , halkaas ay kusoo qabteen dhalinyaro lagu thmayo Shabaabnimo iyo hub.
Sargaal u hadlay Ciidamada Kenya ayaa sheegay in howlgalka ay Ciidamada ka sameeyeen Xerada Qaxootiga IFO lagu soo qabtay afar dhalinayro ah oo lagu tuhmayo in ay katirsan yihiin Al-Shabaab iyo hub ay kamid yihiin bistoolado ,bambooyin iyo qalabka loo adeegsado Waxyaabaha qarxa.
Waxa uu u mahad celiyay Sargaalkan u hadlay Ciidamada Kenya shacabka ku dhaqan xerada Qaxootiga IFO uu sheegay in gacan ka geesteen soo qabashada ragan lagu tuhmayo in ay katirsan yihiin Dagaalyahanada Al-Shabaab.
Ciidamada Kenya ayaa mudooyinkii dambe gudaha dalkaasi waxa ay ka wadeen Howlaglo ka dhan ah dagaalyahano la tuhmayo in qeybo kamid ah dalkaasi ku dhuumanayaan, waxaana howlgalka xoogiisa ka socday Gobolka Xeebta Kenya gaar ahaan dhulka Keymaha .