Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida Somalia, ayaa la sheegay inay bur buriyeen fariisimo la sheegay in ciidamada Shabaab ay ku lahaayeen duleedka Magaalada Muqdisho.
Howlgal habeen hore ciidanka Nabad Suggida Somalia ay qaadeen ayaa lagu bur-buriyay sida la sheegay fariisimada ciidamada Shabaabka ay ku lahaayeen duleedka deegaanak Ceelasha Biyaha.
Nabad Suggida Somalia waxa ay sheegtay in ciidamada ay soo qabteen hub iyo rasaas ciidanka Nabad Suggida ay kasoo qabteen goobtii ay bur buriyeen.
Shabaabka goobtaan fariisimada ku lahaa ayaa la sheegay inay weeraro ka fulin jireen inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye oo ciidamada halkaasi jooga ay weerari jireen.
Ciidamada Nabad Suggida Somalia ayaa qaada howlgalo qarsoodi ah oo ay ku beegsadaan xarumaha ay Shabaabka sida qarsoodiga ah uga sameystaan duleedka Muqdisho.