Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh oo ka ka hadlayay weerarkii ururka Al-shabaab ay ku qaadeen Jaamacada Gaarisa ayaa ugu horeyn Dowlada iyo Shacabka uga tacsiyadeeyay dadkii lagu dilay weerarka.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in Markaan Al-shabaab ay ka gudbeen xarumaha Dowlada iyo Malitariga,islamarkaana bilaabeen inay weeraro ku ekeeyaan xarumaha Waxbarashada iyo Hotelada oo dadka rayidka ah u badan yihiin.
Wuxuu Shacabka ugu baaqay inay muujinayaan midnimo.
Weerarka Jaamacada Gaarisa ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 150-Qof halka tiro gaareysa 80-ruux ay ku dhaawacmeen.