spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRAAD} Xaflad lagu taageerayay maamulka Galmudug oo lagu qabtay magalada Johannesburg
Array

{DAAWO SAWIRAAD} Xaflad lagu taageerayay maamulka Galmudug oo lagu qabtay magalada Johannesburg

Xafladan oo ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ka qeybgalay bulshada qeybaheeda kala kuwaa oo isugu jiray culimo, ganacsato,waxgarad, haween, dhallinyarro, mas’uuliiyin ka socotay Dowladda Koonfur Afrika iyo mas’uuliin ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.
Xaflada ayaa dadkii ka qeyb galay xafladda ayaa waxa ay maamulka Galmudug gaar ahaan Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, ku-xigeenkiisa.
Ugu horeyntii Shariif Maxamuud Wehliye oo ka mid ah Waxgaradka magaalada Johannseburg oo isaga ka qeybgalay dhisidda Maamulka Galmudug ayaa yiri “Galmudug waa Galamudug aan ku dhisnayn fowdo iyo dhibaato iyo in dariska iyo dadka walaalaha ah ee la dagan inay dhibaatayso,balse u dhisan sida ay walaalahooda ula noolaadaan cidna ay dhibaatayn deegaan kalane dhibaatayn, maamulkana waxaan kula dardaarmaynaa Cabdikariiin Xuseen Guuleed”
Prof Cabdiqaadir Cigaal oo isna ka hadlay ayaa sheegay in Galmudug ay tahay xudintii Dalka Soomaaliya, waxa uuna ka sheekayay taariikhda Soomaaliya.
“Galmudug waxa weeye xudintii Soomaaliya cadowga Soomaaliya dhowr jeer ayuu isku dayay inuu Soomaaliya, kala jaro,ma noqon caawane waxaan u dabaaldagaynaa Galmudug,ma ahan kaliya Galmudug balse waa Soomaaliyoo dhan”
Ganacsade Xaaji Muuse Ganjab ayaa isna sheegay in Galmudug ay ka dhacday doorasho xaq ah ka dhacday, isagoo dhanka kale sheegay in Galmudug ay tusaale wanaagsan u tahay.
“Doorshada xaqa ah ee ka dhacday Galmudug ayna ku jirin qolooyinka dariska iyo Beesha Caalamka xitaa ammaanka waxaa hayay Soomaaliya, codadka waxaa qeybinayay Soomaaliya,Galmudug meel cad ayay soo istaagtay Madaxweynaha xaq ayaa lagu doortay,C/kariin Guuleed Illahay ha u fududeyo xilkiisa” ayuu kusoo gobogabeeyay.
Sii hayaha xilka Safiirka Safaaradda Mudane Ismaciil Caballa Soomane oo isna qudbad ka jeediyay ayaa soo dhaweeyay Maamulka Galmudug una hambaleeyay.
“Waxaa sharaf ii ah inaan waxyar dulmaro Galmudug State heerarkii uu soo maray iyo heerarkii uu soo maray iyo dadaaladii la galiyay,Waxgaradka Gobolada Mudug iyo Galgaduud si ay u turuxaan bixiyaan khilaafaadkii ka dhaxeeyay dadka dega Goboladaasi,sidaa daraadeed waxaa loo sameeyay tiirar lagama maarmaan ah taasoo muujinayso bisayl iyo Soomaalinimo”
Hasa ahaatee Intii ay Xafladda lagu taageerayay Maamulka Galmudug socotay waxaa qadka Telefonka kaga qeyb qaatay Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed oo isna dhankiisa ugu mahadceliyay dadkii kasoo qabanqaabiyay Xafladda iyo guud ahaan Soomaalida K/Afrika,isagoo kula dardaarmay inay taageeraan nabadda iyo horumarka kasocda Dalka,
Geeska kale xafladda inta ay socotay ay Dhalinyarro loogu magac daray Fanaaniiinta Galmudug soo bandhigeen Ciyaarro Hiddaha iyo Dhaqanka iyo riwaayad ka turjumaysay horumarka Galmudug taasoo soo jiidatay kasoo qeybgalayaasha.
Ugu danbeeyntii xafladda oo qaadatay saacado badan ayaa kusoo idlaatay jawi wanaagsan.
Kulan Lagu Tagerayay Maamulka Galmudug  (1) Kulan Lagu Tagerayay Maamulka Galmudug  (2) Kulan Lagu Tagerayay Maamulka Galmudug  (3) Kulan Lagu Tagerayay Maamulka Galmudug  (4) Kulan Lagu Tagerayay Maamulka Galmudug  (5) Kulan Lagu Tagerayay Maamulka Galmudug  (6) Kulan Lagu Tagerayay Maamulka Galmudug  (7) Kulan Lagu Tagerayay Maamulka Galmudug  (8)  Kulan Lagu Tagerayay Maamulka Galmudug  (10) Kulan Lagu Tagerayay Maamulka Galmudug  (11) Kulan Lagu Tagerayay Maamulka Galmudug  (12) Kulan Lagu Tagerayay Maamulka Galmudug  (13) Kulan Lagu Tagerayay Maamulka Galmudug  (14) Kulan Lagu Tagerayay Maamulka Galmudug  (15) Kulan Lagu Tagerayay Maamulka Galmudug  (16) Kulan Lagu Tagerayay Maamulka Galmudug  (17) Kulan Lagu Tagerayay Maamulka Galmudug  (18) Kulan Lagu Tagerayay Maamulka Galmudug  (19)
Omar Kiyow
Johannesburg-K/Afrika
MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular