spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} 30 Qof Ayaa Ku Dhimatay Duqeyn Ay Sacudiga Kageysteen Magaalada...
Array

{DAAWO SAWIRADA} 30 Qof Ayaa Ku Dhimatay Duqeyn Ay Sacudiga Kageysteen Magaalada Sanca

Diyaaradaha dagaalka ee Waddamada Isbahaysiga ah uu Hoggaaminayo Sucuudiga ayaa duqeyn ay ka geysteen xalay Magaalada Sanca ee dalka Yemen ku dilay 29-qof oo ay ku jireen dad rayid ah, sida laga soo xigtay ilo Amaanka iyo caafimaadka ah oo ku sugan Sanca.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Diyaaradahu ay Duqeeyeen Guryo ku yaalla Bartamaha Magaalada Sanca, iyadoo mid ka mid ha Dhismayaasha ay Duqeynta la beegsadeen ay ku dhinteen 10-qof oo hal qoys kasoo jeeday.

Sidoo kale, Xoogagga Xuutiyiinta ah ee gacanta ku haya Sanca ayaa waxaa la sheegay inay ka geeriyoodeen ugu yaraan 19-dagaalyahan, iyadoo wararku ay sheegayaan in Duqeyntan lagu burburiyay Afar guri, sidoo kalena ay ay 15-guri oo kale ay Waxyaallo kasoo Gaartay duqeynta.

“Xubnaha Halka Qoyska kasoo jeeda ee Duqeyntan lagu Dilay ayaa Deggenaa Xaafadda Al-Falihi oo ka tirsan Sanca,” ayuu yiri Goob-jooge ku sugan Sanca oo la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta.

Duqeyntan oo xalay dhacday ayaa lagu sheegay inay ahayd tii ugu xumayd oo ka dhacda Magaalada Sanca oo ay Gacanta ku hayaan Xoogagga Mucaaradka ah ee kasoo horjeeda Xukuumadda uu Caalamku Taageerayo ee Yemen.

Tan iyo Sannadkii hore ayaa waxaa Dalka Yemen ka socday iska-horimaadyo u dhexeeya Kooxaha Mucaaradka ah ee Xuutiyiinta iyo Ciidammo Taabacsan Dowladda Cabdul-rabbi Haaddi Mansuur oo Haatan Dibad-joog ah.

 

Sucuudiga ayaa Sheegay in Duqeymihii Cuslaa ee Xalay ay la Beegsadeen Xarumo ay ku sugnaayeen xoogagga Xuutiyiinta; inkastoo aysan sheegin tirada ay kaga dileen duqeynta, sidoo kalena kama aysan hadlin shacabka ku dhintay duqeynta ay Sanca ka geysteen.

Ugu dambeyn, magaalada Sanca ee Xarunta Yemen oo gacanta ugu jirta kooxda Xuutiga ah ayaa waxaa kusoo siqaya ciidamada taageersan Haaddi oo Gacan ka helaya ciidammo ka socda dalalka Khaliijka Carabta oo ku sugan Yemen.

Duqeyn_Sanca_Dhimasho_badan (1)

A man stands in a building destroyed by Saudi-led air strikes in Yemen's capital Sanaa September 7, 2015. Jets belonging to a Saudi-led coalition killed at least 20 people at a wake in northern Yemen on Sunday, local tribesmen said, as warplanes pounded Houthis and other forces behind a missile strike that had killed dozens of Gulf Arab soldiers. REUTERS/Khaled Abdullah
A man stands in a building destroyed by Saudi-led air strikes in Yemen’s capital Sanaa September 7, 2015. Jets belonging to a Saudi-led coalition killed at least 20 people at a wake in northern Yemen on Sunday, local tribesmen said, as warplanes pounded Houthis and other forces behind a missile strike that had killed dozens of Gulf Arab soldiers. REUTERS/Khaled Abdullah
People gather at the site of Saudi-led air strikes in Yemen's capital Sanaa September 17, 2015.  At least nine Yemeni civilians were killed in air strikes by Saudi-led warplanes that targeted the home of a leader in the dominant Houthi movement in the capital Sanaa, medical sources said on Thursday. REUTERS/Khaled Abdullah       TPX IMAGES OF THE DAY
People gather at the site of Saudi-led air strikes in Yemen’s capital Sanaa September 17, 2015. At least nine Yemeni civilians were killed in air strikes by Saudi-led warplanes that targeted the home of a leader in the dominant Houthi movement in the capital Sanaa, medical sources said on Thursday. REUTERS/Khaled Abdullah TPX IMAGES OF THE DAY
MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular