Waxaa magaalada Vienna ee caasimada dalka Austria ka dhacay banaanbax aad u balaaran oo lagu taageerayay dadka qaxootiga ah ee dalkaasi soo gaaray, waxaa sidoo kale banaanbaxa loogana soo horjeeday dadka cunsuriyiinta ah ee kasoo horjeeda qaxootiga.
Banaanbaxan waxaa kasoo qeyb galay in ka badan 20-Kun oo qof kuwaa oo taageero u muujinayay dadka qaxootiga ah ee dalkaasi soo galay, waxa ay sidoo kale kasoo horjeedeen dadka cunsuriyiinta ah ee kasoo horjeeda dadka qaxootiga ah ee dalkooda soo galay.
Waxa ay wateen dadka banaanbaxa dhigayay boorar ay ku qornaayeen hal kudhigyo ay ku taageerayaan dadka qaxootiga ah, waxa ay sidoo kale dadkan ku dhawaaqayeen hadalo lidi ku ah Xisbiga Cunsuriga ah ee FPO kaasi oo si weyn uga soo horjeeda dadka qaxootiga ah.
Dalka Austria waxaa gaaray kumanaan Qaxooti ah oo u badan kuwa kasoo cararay colaada ka aloosan dalka Siiriya, waxaana la xaqiijiyay bishii lasoo dhaafay kaliya dalkaasi ay galeen dad gaaraya 200.000 qof oo qaxooti , waxaana dadkan badankood ay usii gudbeen dalka Jaramlka.