spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Booliiska Uganda oo Xiray Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalkaas iyo...
Array

{DAAWO SAWIRADA} Booliiska Uganda oo Xiray Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalkaas iyo Hoggamiyaha Mucaaradka

Ciidamada Booliiska dalka Uganda ayaa maanta oo Khamiis ah xabsiga u taxaabay ra’iisul wasaarihii hore ee Uganda, Amama Mbabazi oo uu horay Xifaaltan dhanka Siyaasadda ah u dhexmaray Madaxwenaha Dalka Uganda Yoweri Museveni.

Mbabazi oo ah murashax u taagan xilka madaxweynenimo ee dalkaas ka dhicaysa 2016-ka ayaa la xiray isagoo kusii jeeda deegaan lagu magacaabo Mbale oo ku yaalla Soohdlinta ay Uganda la wadaagto dalka Kenya, si uu taageerayaashiisa oo halkaas ku sugan uu ula soo hadlo.

Bishii Juun ee sannadkan ayay ahayd markii Booliisku ay Amama Mbabazi ka joojiyeen inuu qabto wax kulammo ah uu ku xoojinayo loolalanka siyaasadeed ee kala dhexeeya Museveni, iyagoo sheegay in Amama aanu weli xisbigiisu u magacaabin inuu yahay murashaxooda.

Taliyihii hoggaaminayay howlgalkan oo lagu magacaabo Col. Andrew Felix Kwesi ayaa u xaqiijiyay wariyeyaasha xarigga ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas oo ku jira gacanta booliiska, kaddib markii la qabtay isagoo kusii jeeda deegaanka Mbale oo 75-km u jira caasimadda Uganda ee Kampala.

Sidoo kale, booliiska Uganda ayaa isla Khamiis maanta ah xabsiga dhigay Kizza Besigye oo ah hoggaamiyeyaha xisbiga mucaaradka ah ee dalkaas, kaddib markii ay ciidamadu xireen isagoo kasoo baxaya gurigiisa.

“Markii uu gurigiisa kasoo baxay saakay kuna socday safaaradda Mareykanka ee Uganda si uu halkaas kulan ugula yeesho danjiraha Mareykanka ayay booliisku is-hortaag ku sameeyeen, waxay ku amreen inuu gurigiisa ku laabto ama la xirayo,” ayuu yiri Francis Mwijikye oo ka mid ah dadka ay aadka isugu dhow yihiin.

Ugu dmabeyn, Mwijikye ayaa hadalkiisa ku daray. “Besigye wuxuu diiday inuu dib ugu laabto gurigiisa, markaas kaddib ayay booliisku xireen, iyagoo ku xiray xabsiga Nagalama oo ku yaalla duleedka Kampala.”

Si kastaba ha ahaatee, xifaaltanna siyasaadeed ee ka taagan dalka Uganda ayaa noqday kuwo marba marka ka dambeeya sii kordhiya, iyadoo madaxweynaha dalka Xukuma Museveni uu xilka dalkaas hayo muddo ku dhow 30-sano.

RW_hore_ee_Uganda_Amama_Mbabazi Hoggaamiyaha_Mucaaradaka_Uganda_Besigye

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular