Wafdi ka koobnaa Mas’uuliyiinta Maamulka KMG ah ee Galmudug iyo Dowladda Somalia ayaa maanta tagay Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galguduud, halkaasoo ay kula kulmeen Saraakiisha Ciidamada iyo Bulshada Degmadaas ku nool.
Xubnaha Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayay Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, waxaana ka mid ahaa; Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, Wasiir u Dowlaha Dastuurka, Xasan Maxamed Jimcaale, Xildhibaannno, Xubno ka tirsan Maamulka Galmudug iyo Saraakiisha AMISOM.
Mas’uuliyiinta Ceelbuur tagay ayaa salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka iyo kuwa AMISOM, iyagoo kulan la qaatay Saraakiisha ku sugna degmadaas, kaasoo looga hadlay Xaaladaha Amniga, nolosha dadka iyo guud ahaan sidii loo horumarin lahaa.
Degmada Ceelbuur oo muddo labo sanno ka hor ah laga qabsaday Al-shabaab ayaa dadkii ku noolaa waxay ku sugan yihiin meel duleedka ka ah kadib markii ay Al-Shabaab ceelasha biyaha kala baxeen Bamkii biyaha kasoo saarayay taasina ay keentay in dadku ay aadaan goobo ay biyo nadiif ah ka helaan.
Madaxweynaha Galmudug, C/kariin ayaa sheegay in maamulkiisu ka shaqayn doono sidii deegaanka u heli lahaa adeegyada muhiimka ah, isagoo balan qaaday in si deg deg ah loo howl-gelin doono matoorkii Biyaha siin jiray magaalada. AMISOM iyo Dawladduna wadajir uga shaqayn doonaan sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen dadkii magaalada isaga cararay.
Sidoo kale, Wasiirka Difaaca Somalia ayaa sheegay in Degmada Ceelbuur ay tahay degmo leh ilbaxnimo iyo xadaarad fog, haddana lagu dadaali doono sidii loo soo celin lahaa wax soo saarka degmada. Wasiirku wuxuu mar kale sheegay in loo baahan yahay in dhallinyarada Shabaab xubnaha ka ah, hadday ka tanaasulaan fikirkas cafinayo dib laguu abuuri doono nolol anfacda.
“Ceelbuur waa magaalo taariikh weyn leh isla-markaana ay ku yaalaan goobo dhisnaa ku dhawaad 100 sanadood waxeyse xiligan u baahantahay in wax badan ay u qabtaan dadkeedu. Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an in shacabka Ceelbuur ay nabad ku noolaadaan isla markaana helaan nolol lamid ah mida ay haystaan deegaanada kale, waxaan idiin sheegayaa in dhawaan deegaanka la keeni doono Ciidamo dheeraad ah si ay gacan uga geystaan sugidda nabad galyada kuwii hore ee joogayna la tayayn doono. ” ayuu yiri Wasiir Diini oo raaciyey.
Ugu dambeyn, Jen. Diini ayaa walaac ka muujiyay xaaladda adag ee ku sugan yihiin shacabka Ceelbuur, wuxuna baaq u direy Hay’adaha Caalamka iyo dadka deegaanka ka soo jeeda in ay gacan deg deg ah u fidiyaan dadka dhibayaasha u ah cadowga Ummada Soomaaliyeed ee Al-shabaab, isagoo dadweynihii uu la kulmay gaar siiyey salaan uu ka wadey madaxda Qaranka.