spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Boqolaal Xujey ah oo Maanta geeriyooday iyadoo Boqollaal kalena ay...
Array

{DAAWO SAWIRADA} Boqolaal Xujey ah oo Maanta geeriyooday iyadoo Boqollaal kalena ay Dhaawacmeen

Ugu yaraan 453 xujey ah ayaa maanta ku dhintay Xajka iyadoo ay ku dhaawacmeen 719 kale oo xujey ah, kuwaasoo Geeriyooday Minna, Xilli ay ku jireen dhagax-tuurka Sheydaanka.

Xujeydaan Geerida iyo dhaawucu ay soo gaareen ayaa Waxay ka mid ahaayeen Malaayiin xujey ah oo sanadkan gudanayay Xajka, waxaana tani ay noqonaysaa khasaarihii labaad oo ka dhaca Xajka Sannadkan.

Mas’uuliyiinta Saudi Arabia ayaa sheegay in 200 ruuxoo ka mid ah dadka ay soo gaareen dhaawacyada si dhaqso ah goobta loo qaaday lana dhigay isbitaallo si loo daweeyo.

Sidoo kale, wararka ayaa intqaas ku daraya in xujeydaan geeriyooday iyo dhaawacyada ay u dhasheen dalal kale duwan, iyadoo sidoo kale wariyeyaal ku sugan Xajka ay sheegeen in dadka dhintay intooda badan ay kasoo jeedaan dalka Niger oo Afrika ku yaalla iyo dalal ku yaalla Khaliijka Carabta.

KHASAARIHII KA DHACAY XAJKA SANNADIHII LASOO DHAAFAY;

  1. Sannadkii 2006-dii Waxaa ku dhintay 360 oo Xujey ah
    2. Sannadkii 1997-dii Waxaa ku dhintay 1,500 oo Xujey ah
    3. Sannadkii 1994-tii Waxaa ku dhintay          270 oo Xujey ah
    4. Sannadkii 199o-kii Waxaa ku dhintay         1,426 oo Xujey ah
    5. Sannadkii 1984-kii Waxaa ku dhintay         400 oo Xujey ah

Ugu dambeyn, intii uusan billabaan Xajka Sannadkan ayaa Wiish kusoo dumay Xujey ku cibaadeysanayay Masjidka Xaramka ayaa waxaa ku dhintay boqol in ka badan, iyadoo ay ku dhaawacmeen boqolaal kale oo Xujey ah.

Members of Saudi civil defense try to rescue pilgrims following a crush caused by large numbers of people pushing at Mina, outside the Muslim holy city of Mecca in this handout picture published on Twitter account of the Directorate of the Saudi Civil Defense September 24, 2015. REUTERS/Directorate of the Saudi Civil Defense/Handout via Reuters

Police vehicles drive past pilgrims on a road in Mina, near the holy city of Mecca September 24, 2015. REUTERS/Ahmad Masood

Members of Saudi civil defense try to rescue pilgrims following a crush caused by large numbers of people pushing at Mina, outside the Muslim holy city of Mecca in this handout picture published on Twitter account of the Directorate of the Saudi Civil Defense September 24, 2015.  REUTERS/Directorate of the Saudi Civil Defense/Handout via Reuters

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular