spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Ciidamada Yahuuda oo bur buriyay Guryo ay lahaayeen Qoysas Falastiiniyiin...
Array

{DAAWO SAWIRADA} Ciidamada Yahuuda oo bur buriyay Guryo ay lahaayeen Qoysas Falastiiniyiin ah

Ciidamada Yahuuda Israa’il ayaa bilaabay in ay bur biriyaan dhismooyinka ay dagan yihiin Qoysaska Reer Falastiin ee dhalinyaradooda weerarada u geesta Dadka Yahuuda ah ee dagan dhulka Reer Falastiin ee xooga lagu heesto.

Xukuumada Israa’il ayaa maalin kahor go’aamisay in la bur buriyo guryaha ay dagan yihiin dhalinyarada dilalka u geesta dadka Yahuuda ah , waxaa durba maalintii shalay Ciidamada Yahuuda ay bur buriyeen labo guri ay dagnaayeen Qoysas Reer Falastiin ah.

Ciidamada Yahuuda ayaa xoog uga saaray dhismooinkaasi dadkii dagnaa waxa ayna kadib ku bilaabeen bur burin xoogan, waxaana guryhaasi lagu dhax bur buriyay agabkii ay lahaayeen qoysaskii halkaasi dagnaa.

Guryaha la bur buriyay ayey sheegeen Israa’iiliyiinta in ay dagnaayeen dhalinyaro dhawaan dil u geestay Lamaane Yahuud ah, waxaana tilaabadan ay Yahuuda Dhismooyinka ku bur buriyeen aad u canbaareeyya shacabka Reer Falastiin.







 

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular