spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Ciidamada Yahuuda oo xoog ku galay Masjidka Al-Aqsaa iyo Falasiiniyiin...
Array

{DAAWO SAWIRADA} Ciidamada Yahuuda oo xoog ku galay Masjidka Al-Aqsaa iyo Falasiiniyiin dhagxaan kala hortagay

Ciidamada Yahuuda Israa’il ayaa maalintii shalay oo axad aheed waxa ay xoog ku galeen dhismaha Masjidka Barakeysan Al Aqsa ee kuyaala magaalada Qudus Dhulka Reer Falastiin.

Falastiiniyiin careesan oo dhalinyaro u badnaa ayaa dhagxaan kala hortagay askarta Yahuuda ee xooga ku galay Masjidka Al-Aqsa, waxa ayna Ciidamada Yahuuda ay adeegsadeen dhankooda rasaas iyo sunta dadka ilmada ka keenta .

Ciidamada Yahuuda ayaana la sheegay in ay gudaha u galeen Dhismaha Masjidka ,Al-Aqsa, waxaana shacab badan oo reer Falastiin oo ka careesan Ciidamada Yahuuda iyana dhagxaan kala daaleen askarta Yahuuda iyaga oo ku qeylinaya Alaahu Akbar.

Iska hor imaadka dhax maray Ciidamada Yahuuda iyo Muslimiinta Reer Falastiin ayaa waxaa ka dhashay dhaawacyo soo gaaray qaar kamid ah dhalintii dhagaxa kala hortagtay Ciidamada Yahuuda ee xooga ku galay Masjidka Barakeesan.

Weerarka Ciidamada Yahuuda ku galeen Masjidka barakeesan ee Al-Aqsaa ayaa imaanaya xili Yahuuda ay u dabaal dagayaan maanta Sanadkooda cusub, waxa ayna Ciidamada Yahuuda galitaankooda masjidka ku sheegeen in ay baaritaan sameenayeen.










MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular