Kulankaas amaanka looga hadlayay ee xalay lagu qabtay xarunta hay’ada sirdoonka iyo nabadsugida qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qayb galay ra’iisul wasaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ,ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ,wasiirka amniga gudaha Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo sarakiisha ciidammada amaanka .
Kulanka ayaa waxaa si qota dheer looga hadlay amaanka dalka gaar ahaan kan magalada caasimada ah ee Muqdisho.
ra’iisul wasaaraha dalka oo ka hadlay kulankaas ayaana bogaadiyay howlaha baxada leh ee sugida amaanka isagoo mahad naq balaran u soo jeediyay hay’adaha amaanka iyo maamulada degmooyinka gobolka Banaadir.
Kulankaan amaanka looga hadlayo ayaa waxaa uu qayb ka yahay iskashiga sugida amaanka iyo wada shaqeynta hay.adaha amaanka waxaana si joogto ah u qabsooma shirkaan gudiga amaanka ay ku yeeshan xarunta hay’ada NISA iyadoo xalay uu ka qayb galay ra’iisul wasaaraha dalka marki uguu horeeysay.