Guud ahaan dalka Kenya ayaa Waxaa looga Diyaar-garoobayaa soo dhaweynta munaasabada Ciidul Fidriga oo Fooda inagu soo haysa, iyadoo dowlada kenyana ay ku dhawaaqday in maalinimada Sabtida ah ee fooda inagu soo haysto ay tahay maalin fasax guud ah ama (Public Holiday).
Magaalooyinka waa weyn ee Kenya, ayaa waxaa ka socdo diyaar garoowgii ugu dambeyay madaama dadku ay maalmahaanba ku mashquul sanaayeen gadashada dhar cusub si ay kor ugu qaadan farxada Ciida.
Magaalooyinka waa weyn ee gobalka Waqooyi bari Kenya sida Gaarisa, Wajeer iyo Man-dheera, ayaa laga dareemay diyaar garowgaas halka degmada Mombasa ee gobalka xeebta Kenya ay goobaha ganacsi furan yihiin habeen iyo maalinba madaama ay dadku si aad ah u adeeganayaan.
Xaafada Eastleigh (Islii) ee magaalada Nairobi ay ka dagan yihiin soomaalida badan, ayaa dhawaanahaan waxaa ka jiray mashquul badan oo dhanka Suuqa ah, waxaana dadku ay aad u gadanayeen dharka noocyadiisa kala duwan.
Diyaar garoowga Ciida, ayaa ku soo beegmaayo iyadoo la filaayo in bari oo Jimco ah ama Sabtida xigto la ciido, marka loo firiyo wakhtiga Soonka uu bilaawday oo ku beegneyd 18-kii bishii June ee aynu soo dhaafnay.
Dhanka kale Golaha Sare ee Muslimiinta Kenya oo magaciisa loo soo gaabiyo SUPKEM ” Supreme Council of Kenya Muslims” iyo Golaha Imaamyada iyo Muwaacidiinta Kenya ee CIPK [Council of Imams and Preachers of Kenya], ayaa si wada jir ah baaq ugu diray Muslimiinta Kenya. Waxeyna u rajeyay iney nabad ku Ciidaan.
Arbacadii aynu soo dhaafnay, ayaa isagana Madaxa Khaadiyada Kenya wuxuu ugu baaqay Muslimiinta iney illaaliyaan midnimadooda ayna ka fogaadaan wax kasto oo khilaaf keeni karo. Isagoona sheegay in xafiiskoodu uu sameeyeen guddi ku shaqo leh raadin Bisha oo ka kooban Culima’awdiinta Muslimiinta iyo Imaamyada.
Caawa oo kale ayaa inta badan waxay dadku raadinyaan dhalashada bisha Shawaal, iyadoo Culummaduna ay xil gooni iska saaraan xaqiijinta in bishii la arkay.
Si kastaba ha ahaatee, Ciidul -Fidriga Waa Munaasabad Muujinayso Dhammaadka Bisha Barakeysan ee Ramadaan, Waana maalinta koowaad ee bisha Shawaalka oo mamnuuc ay tahay in la soomo.
Sidoo kale Ciidul -Fidrigu Waa mid ka mid ah Ciidaha Islaamka, Muslimiintuna Waxay bixiyaan Fidriga, Waxayna iskugu soo baxaan Fagaarayaasha Waa-weyn si ay u Tukadaan Salaadda Ciidda, iyagoona is booqdo isna Dhaafsado Hadiyado.