spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Dalxiisayaal Reer Galbeed ah oo bilaabay in ay isaga Cararaan...
Array

{DAAWO SAWIRADA} Dalxiisayaal Reer Galbeed ah oo bilaabay in ay isaga Cararaan Dalka Tunuusiya

Dad Dalxiisayaal u badan oo kasoo jeeda Wadamada Reer Galbeedka ayaa bilaabay in ay isaga cararaan dalka Tunuusiya kadib weerarkii jimcaha ka dhacay Xeeb loo dalxiis tago oo kutaala Dalkaasi oo lagu dilay dad gaaraya 37-qof oo u badnaa Dalxiisayaal Reer Galbeed ah.

Nin hubeesan oo katirsanaa Kooxda Daacish ayaa weeraray Labo Hoteel oo kuyaala Xeeb loo dalxiis tago oo kutaala Magaalo xeebeedka Sousse ee Dalka Tunuusiya, waxa uuna halkaasi ku laayay dad badan oo ku jiray dalxiis iyo damaashaad.

Waxaa cabsi xoogan lasoo daristay Dalxiisayaal Reer Galbeed ah oo ku sugnaa Dalka Tunuusiya kuwaa oo ka cabsi qaba in gudaha dalkaasi lagu beegsado, waxa ayna bilaabeen in ay deg deg dalkaasi ay uga baxaan kuna laabtaan dalalkooda.

Ciidamada amaanka Dalka Tunuusiya ayaa heegan buuxa la galiyay kuwaa ka hortagaya weeraro kale oo laga yaabo in Kooxo xariir la leh Daacish ka geestaan Dalka Tunuusiya , Weerarkiii Jimcihii dhacay ayaana noqonaya kii labaad oo bilooyin gudahood ah dalkaasi ka dhaca oo lagu dilo dad badan oo ajaaniib dalxiisayaal ah.







MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular