spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Dowlada Soomaaliya ayaa goordhaw Warbaahinta waxa ay usoo Bandhigtay Meydadka
Array

{DAAWO SAWIRADA} Dowlada Soomaaliya ayaa goordhaw Warbaahinta waxa ay usoo Bandhigtay Meydadka

Dowlada Soomaaliya ayaa goordhaw Warbaahinta waxa ay usoo bandhigtay Meydadka labo kamid ahaa ragii saakay Weerarka ku qaaday Xarun Ciidamada Nabad Sugida lagu tababaro oo kutaala Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.

Raga Weerarka ku qaaday xaruntaasi ayaa gaarayay sadax nin, waxaanaamid kamid ah uu isku qarxiyay gaari Noah ah oo laga soo buuxiyay Waxyaabaha qarxa halka labada kalana ay Ciidamada Toogteen kadib iska hor imaad labada dhinac dhax maray.

Wasaarada Amniga Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in Weerarkaasi la fashiliyay ayna toogteen Ciidamada Nabad Sugida Dhamaan ragii Weerarka soo qaaday, waxa ayna Wasaaradu sheegtay in uusan jirin Qasaaro Ciidamada Nabad Sugida soo gaaray .

Xarakada Al-Shabaab ayaa dhanka kale sheegatay Masuuliyada Weerarka lagu qaaday Xarunta ay Ciidamada Nabad Sugida ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, waxa ayna Shabaab sheegeen in Weerarkaasi ay qasaaro xoogan ku garasiiyeen Ciidamada Nabad Sugida eek u sugnaa xarunta la weeraray.





MUQAALADA

1 COMMENT

Comments are closed.

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular