spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Duubab Dhaqamedyo Soomaaliyeed Oo Kulan Ay Ku Yeesheen Muqdisho Ka...
Array

{DAAWO SAWIRADA} Duubab Dhaqamedyo Soomaaliyeed Oo Kulan Ay Ku Yeesheen Muqdisho Ka Soo Saaray Baaq Nabadeed.

Kulanka oo ay isugu yimaadeen, Qaar ka mid ah isimada, ugaasyada iyo Duubabka Soomaaliyeed ayaa looga hadlay arrimo ay ka midyihiin colaadda ka taagan qaar ka mid ah gobollada dalka, gogol nabadeed oo uu Boqor Burhaan Burhaan Muuse u dhigayo duubabka iyo in laga qeyb qaato sidii guddiga gurmadka samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku xaniban lagu taageeri lahaa iyo arrimo kale.

Suldaan Caliyow Suldaan Ibrow oo la hadlay Warbaahinta ayaa gobta ka akhriyay War-saxaafadeed ay soo saareen duubabka, kaasi oo ay ku jirtay in si deg deg ah loo joojiyo colaadda ka taagan xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia.

Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif oo isna kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in colaadda ay ku soo laa laabatay meelo ka mid ah dalka, loo baahanyahay in qofkasta uu u istaago sidii loo qaboojin lahaa colaadda meelkasta ka mid ah geyiga Soomaaliyeed.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in duubabka ay ka aqbaleen codsigiisa oo ahaa in laga soo wada qeyb galo shirweyne uu ku qabanayo magaalada Qardho, kaasi oo u sheegay in la isugu imaan doono xajka kaddib waxaana uu bulshada ugu baaqay inay u gurmadaan walaalahood Yemen ka soo laabanaya.

Ugu dambeyntii kulanka ay Muqdisho ku yeesheen qaar ka mid ah duubabka Soomaaliyeed waxaa duco ka soo keediyay Imaam Maxamed Yuusuf Cali Alle uga baryay in Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogaan uu quluubtooda isku soo duwo, islamarkaana ay noqdaan kuwa ka shaqeeya horumarkooda.

Copy-of-IMG_0147 IMG_0087 IMG_0088 IMG_0090 IMG_0093 IMG_0096 IMG_0098 IMG_0101 IMG_0106 IMG_0109 IMG_0117 IMG_0120 IMG_0145

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular