Ugu yaraan 10-qof ayaa ku geeriyooday, toddoba qof oo kalena way ku dhaawcmeen weerar Ismiidaamin ahaa oo Muqdisho lagula eegtay Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen mas’uuliyiin u dhashay Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo uu ka mid aha safiirka Imaaraadka ee Somalia.
Weerarka ayaa lala beegsaday kolonyada gaadiidka ah oo marayay meel ku dhow Isgoyska Tarabuunka, degmada Hodan ee Muqdisho, iyadoo uu weerarkan fuliyay ruux watay gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay.
Lama oga khasaaraha kasoo gaaray saraakiishii u dhashay Imaaraadka Carabta ee la socday gaadiidka Weerarka Qaraxa ah lala beegsaday, Waxaana weerarkaan uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo lala beegsado ajaanib ah tan iyo markii ay dhalatay bishan Ramadaan.
Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Qaraxa uu burburiyay midka mid ah gaadiidkii lala eegtay, waxaana ay sheegeen in laba qof oo rayid ah ay ka mid ahaayeen dadkii lagu dilay Qaraxaas.