Nin hubeesan oo u dhashay Dalka Marooo ayaa weerar ka geesatay tareen nuuca xawaaraha dheereeya ah oo u kala gooshayay MagaalooyinkaParis iyo Amsterdam , inkastoo weerarkaasi markii dambe ay fashiliyeen rakaab tareenka wax ka saarnaa.
Labo nin oo la rumeesan yahay in ay yihiin ciidamo Mareykan fasax ku ku jira kana mid ahaa rakaabka tareenka ayaa ka hortagay weerarka uu qorsheeyay ninkan dhalinyarada ah , waxa ayna dadaal badan kadib ku guuleesteen in ay ninkaasi hubeesan gacanta ku dhigaan.
Askartan Mareykanka ayaa ka shakiyay dhaq dhaqaaqa ninka hubeesan oo kamid ahaa rakaabkii tareenka saarnaa, waxa ayan durba isku dayeen in ay ka hortagaan weerarka ninka uu qorseeyay ayna gacanta ku dhigaan.
Ninkii hubeesnaa ayaa durba bilaabay in uu rasaas furo ,waxaana rasaastaasi ka dhashaa dhaawaca sadax qof, waxaana markii dambe weerarkaasi fashiliyay gacantana ku dhigay ninkii hubeesnaa iyo hubkiisa labadii nin ee Mareykanka ahaa.
Wasiirka arrimaha gudaha France Bernard Cazeneuve, oo tagay goobta weerarku ka dhacay, ayaa amaan balaaran u jeediyay labadii nin ee u dhashay Dalka Mareykanka ee fashiliyay weerar uu qorsheeyya nin aad u hubeesnaa .
Ciidamada la dagaalanka Argagaxasida ayaa gacanta loo galiyay ninkii hubeesnaa ee qaaday weerarka fashilmay, waxaana socda baaritaano ninkaasi lagu ogaanaayo , mana jirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyada weerarkaasi laga hortagay.