spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Faahin Dheraad Ah Oo Ku Saabsan Weerar Ismiidaamin Ah Oo...
Array

{DAAWO SAWIRADA} Faahin Dheraad Ah Oo Ku Saabsan Weerar Ismiidaamin Ah Oo Saaka Ka Dhacay Magaalada Cadaado

Afar nin oo mid ka mid ah uu isqarxiyay, xilli uu baabuur watay ayaa fulisay weerarkaan, halka saddex kalena ciidamada ammaanka Xarunta kafaalo ay toogteen.

Wasaarada Amniga Somalia ayaa sheegtay in ciidamada ay ku guuleysteen fashilinta weerarkaasi, waxaana intaasi ay ku dartay Wasaarada in ragga weerarka soo qaaday ay ahaayeen afar ruux.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan, ayaa sheegay in ciidanka oo heegan ku jiray ay madaxa ka toogteen saddexda ruux ee kale, marka laga soo tago qofka is qarxiyay.

Fagaaro ku yaallo Magaalada Cadaado ayaa lagu soo bandhigay raggaan meydadkooda oo Saxaafadda muuqaal ay halkaasi uga duubtay.

Ergada ku sugneyd hoolka Kafaalo wax khasaaro ah ma aysan soo gaarin sida ay shegtay Wasaarada Amniga Gudaha.

Waa weerarkii ugu horeeyay oo Shabaab ay ka fuliyaan Magaalada Cadaado oo Ismiidaamin iyo rasaas toos ah isugu jirta.

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular