Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen oo maanta dib ugu laabtay magaalada Jowhar ayaa meel fagaare ah ka sheegay in uusan jirin illaa iyo hadda heshiis laga gaaray maamul u sameynta labada gobol marka laga reebo saxiixa heshiiska maamul u sameynta labada gobol.
Cali Guudlawe Xuseen guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa u sheegay dadweyne boqolaal gaaraya oo ku soo dhoweeyay magaalada Jowhar in uu dib ugu soo laabtay gobolka si uu wadatashiyo ula sameeyo shacabka gobolka maadaama shacabka markii horeba ay u wakiisheen shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.
“Dhammaan maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe waa dhiman tahay, waxa kaliya oo lagu heshiiyay waa in la sameysto maamul goboleed.”ayuu u sheegay dadkii soo dhoweynayay guddoomiyaha gobolka sh/dhexe.
Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay in aan weli laga gaarin wax heshiis ah arrimo ay ka mid yihiin guddiga farsamada,halka lagu qabanayo shirka iyo weliba caasimada maamul goboleedka labada gobo lee Hiiraan iyo Sh/dhexe.
Waa markii ugu horeysay ee meel fagaare ah oo uu guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ka sheego in aan laga gaarin wax heshiis ah arrimaha maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan.
Qorshihii wasaarada arrimaha gudaha ee ahaa in 15ka bisha August lagu dhowaaqo guddiga farsamada ayaa dib u dhac ku yimid waxaana suurtogal ah in shirka maamul u sameynta labada gobol uu dib u dhac ku yimaado.
Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka socda diyaargarow ku aadan qabashada shirka maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan.
Cabdi Fitaax Nuur Saney {socdaal}
Radio Hiiraanweyn Magalada Jowhar