spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo ku baaqay in gar gaar la gaarsiiyo...
Array

{DAAWO SAWIRADA} Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo ku baaqay in gar gaar la gaarsiiyo deegaanada fatahaada saameeyeen

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe oo shalay kormeer ku tagay goobo dhowaan uu wabiga ku fatahay oo ka tirsan degmada Mahadaay ayaa ku baaqay in gar gaar bani’aadanimo la gaarsiiyo.

Guddoomiyaha oo ay wehliyen mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan ayaa meelaha qaar socod ku maray, gaar ahaan meelo uu soo gaaray biyaha ka soo fatahay wabiga Shabeelle.

Sidoo kale Guddoomiyaha oo tagay degmada Mahadaay ayaa halkaas kula kulmay waxgaradka iyo odayaasha deegaanka, isagoo balan qaaday in maamulkiisa uu wax ka qaban doono xaaladaha fatahaada.

Boqolaal qoysas ah ayaa dhowaan ku barakacay tuulada Duduble oo hoos-tagta degmada Mahadaay, kadib markii uu wabiga ku fatahay, waxaana dadka barakacay ay hoy ka dhigteen goobo banaan ah, mana jirto ilaa iyo hada wax gar gaar ah oo la gaarsiiyay.

Qaar ka mid ah qoysaska soo barakacay ayaa ku hanti beelay fatahaada wabiga Shabelle, waxaana dadkan ay ku hoyanayaan aqalo iyo cooshado ay ka dhisteen meelo banaan ah, iyagoo dhaxantana aysan u adkeysan karin.

Mr Cali Guudlaawe ayaa uga mahad celiyay dadka deegaanka kaalinta ay ka qaateen ka hortaga fatahaada, maadaama caro tuur lagu sameyay labada dhinac ee wabiga maro oo ka jirtay cabsi ah inuu jabsado

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Maamulkiisa uu gar gaar gaarsiin doono dadka fatahaadaha ku waxyeeloobay, gaar ahaan dadka Tuulada Duduble ka tirsan ee degmada Mahadaay hoos tagta.

DSC_0970 DSC_0973 DSC_0974 DSC_0980 DSC_0985

Cabdi Fitaax Saney Socdaal {SACDAAL}

Radio Hiiraanweyn Jowhar

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular