spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Howlgallo laga billaabay Deegaano lagu Tuhmayo Al-shabaab Gudaha...
Array

{DAAWO SAWIRADA} Howlgallo laga billaabay Deegaano lagu Tuhmayo Al-shabaab Gudaha Dalka Kenya

Dowladda Kenya ayaa billowday Hawlgallo ay kaga Sifeynayso Deegaanka Kaymaha badan ee Boni oo ku Taalla Xeebta Kenya, Halkaasoo ay Sheegeen Saraakiisha Kenya inay ku Dhuumaaleysanayaan Xoogag ka Tirsan Al-shabaab, kuwaasoo Weerarro ka geysta Deegaano dalkaas ka tirsan.

Wasiirka Amniga Gudaha dalka Kenya, Joseph Nkaisserry ayaa Sheegay in Hawl-galkan lagu beegsanayo 13 tuulo oo ku kala yaalla Bariga degmada Lamu iyo deegaano ka tirsan Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi-bari Dalka Kenya oo ay ka mid yihiin; Holugho, Galmagala, Sangilu, Ijara, Bodhei, Milimani, Baurre, Basuba, Mangai, Malalani, Kiunga, Ishakani iyo Dar-es-Salaam.

Dhammaan Deegaannadan Hawl-galka laga Fulinayo Waxaa Qabanaya Sharci Gaar ah oo Dhawaan ay soo Saartay Xukuumadda Kenya – 02, September 2015, kaasoo tirsigiisu ahaa 93.

Sidoo kale, Hawlgalkan ayaa la sheegay inay ka Qayb-qaadanayaan Ciidamada Millateriga Kenya iyo Booliiska sida Millateriga loo tababaray. Kuwaasoo howlgalka si wadajir ah uga fulinayay deegaannadan.

Xukuumadda Kenya ayaa shaacisay in Xoogagga Al-shabaab ay Saldhigyo ka Sameysteen keynta Boni soo galeen, kaddib markii lagu soo jabiyay Gudaha Somalia, sidaasi darteedna ay qosheynayaan inay ka saaraan deegaannadaas ay ku dhuumanayaan.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa waxay Weerarro ka Geysanaysay Gudaha dalka Kenya tan iyo markii Xuukumadda Kenya ay kumannaan ciidamadeeda ka tirsan u soo dirtay Somalia dhammaadkii sannadkii 2011-kii si ay ula dagaallamaan Al-shabaab oo ay ku eedeysay Af-duubiyo iyo dilal ka dhacay gudaha Dalkeeda.

Kaymaha_Kenya_Howlgallo_2 Kaymaha_Kenya_Howlgallo_1

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular