spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Kulan lagu Taageerayay Isbitaalka Degmada Buulo-burte ee Gobol Hiiraan
Array

{DAAWO SAWIRADA} Kulan lagu Taageerayay Isbitaalka Degmada Buulo-burte ee Gobol Hiiraan

Kulan ballaaran oo lagu Taageerayay Isbitaalka Degmada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, waxaana kasoo Qayb-galay xubno badan oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota.

Kulankaan oo ay soo Qaban-qaabisay Hay’adda IHDO sida uu sheegay xiriiriyaha Shirka Sabriye Xalane oo u Warramay Warbaahinta. Wuxuuna raaciyay in kulankan uusan ahayn kii koowaad ee lagu Qabto Waqooyiga Ameerika, balse horay loogu qabtay kulan midkan oo kale ah Magaalada Toronto ee dalka Canada, isagoo ku daray intaas in Hay’adda IHDO ay Qorshaynayso in kulummo kale ay ka Qabato Dunida daafahaeeda.

Barnaamijkan lagu taageerayay Isbitaalka Magaalada Buulo-burde ayaa waxaa ku sugnaa culummaa’uddiin, Aqoonyahanno, Haween iyo Dhallinyarada Minnesota iyo kuwa ku dhow-dhow ku nool.

Paul Marino oo dadka Soomaaliyeed ay geeddi ku naanaysaan ayaa ka hadlay noloshii Quruxda badneed ee uu ku haystay Sannaddihii 1986 illaa 1989 xiligaa oo uu kaaliye caafimaad ka ahaa Isbigtaalka Buulo-burde. Paul ayaa khudbadiisa dadku aad u dhagaysanayeen ugana heleen Sawirka uu ka bixinaayay xiligii hore wuu ku sugnaa degmada Buulo-burde iyo heeso Soomaaligii uu kulankaas ka qaaday Geedi.

Dr. Cismaan Xaraare oo ka mida Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa ka Hadlay Muhiimadda uu Isbitaalku u leeyahay dad meel dagan, ayna muhiim tahay in la taageero Isbitaalka dalka ku yaalla. Wuxuu kaloo Dhakhtarku ka Sheekeeyay Taariikh dheer oo taabanaysay noloshiisii hore ee uu kusoo qaatay Gobolka Hiiraan; sida waxbarashada iyo Xaalado lasoo gudboonaday markii uu madaxa caafimaadka ee Gobolka Hiiraan ahaa.

Waxaa isaguna Khadka Teleefoonka uga soo Qayb-galay, Col. Cismaan Dubad oo ah madaxa Ciidamadda Jabuuti ee ka tirsan AMISOM oo ka howlgala Gaobolka Hiiraan, isagoo ka warbixyay Xaaladda Isbitaalka, Waxaa Qalab la geeyay illaa hadda waxaa dhiman iyo kaalintii ay ka gaysteen haday yihiin ciidakna Jabuuti waana HIIL WALAAL buu yiri Col. Dubad.

Ugu dambeyn, Dadkii kulanka isugu yimid ayaa ku yabooheen dhaqaale lagu dayactirayo Isbitaalka Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan Soomaaliya. Waxaana loo Mahad-celiyey intii kasoo Shaqaysay ay ugu horreyso Hay’adda International Human Development Organization [IHDO].

Waxaa iyaguna goobta ka hadlay dad badan sida; Cismaan Sh. Cumar, Cabdi Saleebaan Maxamuud, Cabdi Daahir, Prof. Saciid Saalax, Sh. Xasan Jaamici, Sh. C/rashiid Ijaabo, Inj. Jabril Afyare iyo Marti sharaf kale.

shir  loga hadlaa isbitaalka  (1) shir  loga hadlaa isbitaalka  (2) shir  loga hadlaa isbitaalka  (3) shir  loga hadlaa isbitaalka  (4) shir  loga hadlaa isbitaalka  (5) shir  loga hadlaa isbitaalka  (6) shir  loga hadlaa isbitaalka  (7) shir  loga hadlaa isbitaalka  (8) shir  loga hadlaa isbitaalka  (9) shir  loga hadlaa isbitaalka  (10) shir  loga hadlaa isbitaalka  (11) shir  loga hadlaa isbitaalka  (12) shir  loga hadlaa isbitaalka  (13) shir  loga hadlaa isbitaalka  (14) shir  loga hadlaa isbitaalka  (15)

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular