spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Kulan Loga Hadalaa Nabada Oo U so qaban Qaabiyay Ugaas...
Array

{DAAWO SAWIRADA} Kulan Loga Hadalaa Nabada Oo U so qaban Qaabiyay Ugaas Cabdi Raxmaan Oo Manta Muqdisho Ka furmay

Shir uu soo qabanqaabiyay Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif loogana hadlay kaalinta duubabka, waxgaradka iyo sidoo kale culumada Hawiye kaga aadan nabadeynta ummadda Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalay qaar ka mid ah ugaasyada, duubabka, culummada iyo waxgaradka Hawiye, iyadoo waxgaradka loo sameeyay duubabka lagu casuumay.

Ugaas Cabdiraxmaan oo shirka furay ayaa ka hadlay qiimaha ay nabaddu u leedahay bulshada Soomaaliyeed iyo kaalinta kaga aaddan duubabka, culumada iyo waxgaradka Hawiye nabadeynta ummadda Soomaaliyeed wuxuuna ugaasku ku boorriyay duubaka inay xil-weyn iska saaraan sidii looga shaqeyn lahaa dib u soo celinta nabadda ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ugaaska ayaa ugu baaq waxgaradka Soomaaliyeed ee ku nool goobaha aysan nabaddu ka jirin inay u soo-jeestaan nabadeynta deegaannadooda; isagoo dadkana ugu baaqay inay heshiiyaan oo ay gacmaha is-qabsadaan.

Sh. Maxamuud Ciise iyo Sheekh C/risaaq Xaashi oo ka mid ahaa Culumadii kulanka ka hadlay iyaa iyagana waxgaradka iyo duubabka ku booriyay inay u is-taagaan nabadeynta iyo isku-keenidda ummadda Soomaaliyeed.

Ugaasyo, Wabaero iyo Duubadbka beesha Hawiye ee kulanka lagu casuumay ayaa sidoo kale aad u ugu dheeraad faa’iidooyinka nabada iyo doorka kaga aaddan nabadeynta ummadda Soomaaliyeed; waxayna ku baaqeen in la nabadeeyo la iskuna keeno ummadda Soomaaliyeed ee walaalaha ah loona is-taago sidii looga shaqeyn lahaa nabadeyntooda.

Beesha Mudullood oo waxgaradkooda iyo duubabkooda ayaa kulanka kaga dhawaaqay inay qabanayaan gogol la mid ah mida uu maanta dhigay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif; taasoo looga tashan dooono sidii Soomaalida loo nabadeyn lahaa.

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular