Inta badan dalalka awooda iyo magaca ku leh ciyaaraha Kubada cagta Caalamka gaar ahaan Qaarada Yurub ayaa waxa ay si toos ah ugu soo baxeen Koobka EURO 2016 oo sanadka dambe lagu qaban doono gudaha dalka Faransiiska .
Wadamada qaarkood ayaa sanadkaan wacdaro dhigay halka qaar kale loo diray ciyaaro Play.off ah si ay u soo galaan isreebreeb kale . Dalalka Ingiriiska , Austria iyo Talyaaniga ayaa waxa ay noqdeen wadamada kaliyah ee aan wali laga badin intii uu socday tartanka isreebreebka EURO 2016 .
Qaranka oranjiga Holland ayaa sanado badan ka dib waxaa laga reebay koobkaan ka dib markii guuldarooyin fara badan dhabarka loo saaray . Xulka Albania oo aan marnaba ka qeyb galin koobkaan ayaa isna xili ciyaareedkaan wacdaro dhigay halka Giriiga laga reebay .
LIISKA 20-KA DAL EE U SOO BAXAY EURO 2016 :
England
Italia
Spain
France
Germany
Portugal
Austria
Belguim
Croatia
Romania
Russia
Turkey
Slovakia
Wales
Iceland
Czech Republic
Albania
Switzerland
Poland
North Irland
Wadamada 8-da ah ee loo diray isreebreebka ama Play off ayaa waxa ay kala yihiin :
Sweden
Denmark
Norway
Bosnia
Ukraine
Hungaria
Slovenia
Irland
Isku aadka 8-daan dal ayaa dhici doona maalinta Axada ah waxaana lagu wadaa in la ciyaaro kulamadiisa 12-ka iyo 14-ka bisha Novembar halka isku aadka ama Qori tuurka weyn ee koobka EURO 2016 la sameen doono 12-ka bisha Decembar .