Wasaaradda Cadaaladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah xabsiga weyn ee Garowe uga sii daysay 40 maxbuus oo ku eedaysnaa danbiyo kala duwan ,kuwaasi oo maalin ka hor madaxweynaha Puntland uu cafis u fidiyay.
“Booqashadayda halkan waxay tahay inaan si guud u kormeero xabsiga iyo inaan la kulmo maxaabiista maanta halkaan laga sii daynayo,” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda Puntland Saalax Xabiib Yuusuf oo warbaahinta la hadlay.
“Sababta la idiin cafiyay maahan inaad bulshadii dhibaato ku celisaan ee waa inaad ka faa’idaysataan cafiskan uu madaxweynuhu idiin fidiyay “ ayuu mar kale yiri wasiirka oo la dar-daarmayay maxaabiista.
Tirada guud ee madaxweynaha Puntland uu cafiyay ayaa gaaraysa 120 maxbuus oo ku kala jira xabsiyo kala duwan oo gobolka ah ,waxaana madaxweynuhu uu cafiskan ku sheegay in ay tahay mid loogu tala-galay munaasabadda Ciidda.
Wasiir Saalax ayaa shegay in uu kormeer ku soo sameeyay qololka lagu xiro maxaabiista Garowe ,kuwaasi oo qaarkood la sheegay in xaalad caafimaad darro ay soo wajahday bilihii la soo dhaafay.
Ugu dambeyn, Xubnaha la sii daayay ayaa la sheegay in ay ku jiraan kuwa ku eedaysanaa danbiyo la xiriira Al-shabaab-nimo ,inkastoo cafiskan uu dhaco dabaayaqada soon walba ,mana ahan markii ugu horeysay oo maxaabiis la cafiyo.