spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA }Madaxwayne Cabdiwali Gaas oo maanta gurigiisa ku booqday madaxwaynihii hore...
Array

{DAAWO SAWIRADA }Madaxwayne Cabdiwali Gaas oo maanta gurigiisa ku booqday madaxwaynihii hore Puntland

Madaxwaynaha Puntland mudane Cabdiwali Cali Gaas ayaa maanta oo Jimce ah wuxuu hoygiisa ku booqday madaxwaynihii hore Cabdiraxmaan shiikh Maxamed Farole oo Garowe soo gaaray Arbacadii lasoo dhaafay.

Dr.Gaas ayaa uga soo tacsiyeeyay Farole geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Marwadiisa Aamina Habiib.

Labadaan masuul ayaa sida sawirka ka muuqda is gacan qaaday iyadoona markii danbe kulan ku qaatay aqalka, wararka aan helayno ayaa sheegaya booqashada Gaas inay la xariirto Tacsi balse aysan jirin wax kale oo intaasi dhaafsiisan.

Madaxwaynihii hore Farole ayaa imaanshihiisa Garowe ku sheegay inay qayb ka tahay Tacsida maadama qoyskiisa ay kala joogaan Garowe.Hargaysa iyo dalka dibasiisa, wuxuna hadalkiisa dabo dhigay inuusan cidna culuys ku ahayn haddaan culuys loo arag.

Wararka horudhaca ah ayaa sheegaya in Farole uu ka qayb galaya xaflada kowda Agoosto oo habeen danbe madaxtooyadda lagu qaban doono.

 

 

b b1

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular