spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Kenya oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee...
Array

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Kenya oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta waraaqaha aqoonsi ee danjirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacawday dalka Kenya, kadib munaasabad ka dhacday Aqalka Madaxtooyada Nairobi.

Jamaal Maxamed Xasan ayaa noqonaya Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona magaalada Nairobi, waxaana uu ka hor akhriyay Madaxweynaha Kenya hortiisa warqada magacaabistiisa.

Amb. Jamaal ayaa sheegay inuu xoojin doono xiriirka labada dal ee Kenya ee deriska la ah, isagoo ka mahad celiyay madaxweynaha Kenya waraaqihii uu ka guddoomay.

Safiirka cusub ee Soomaaliya u jooga Kenya Amb. Jamaal ayaa waxaa uu labisnaa dharka dhaqanka, waxaana uu ka duwanaa Safiiradii uu qaabilayay Madaxweynaha Kenya.

Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale waraaqaha aqoonsiga waxaa uu Aqalka Madaxtooyada Nairobi uga guddoomay Safiirada wadamada Israel, Ukraine, Zambia iyo wakiilo kale.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee KenyaĀ Lucas Kyonze Tumbo.

Danjire Jamaal ayaa bedelay Maxamed Cali Ameeriga oo muddo sideed sano ahaa Safiirkii Soomaaliya u fadhiyayĀ Nairobi.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii April u magacawday Jamaal, waxaana uu ka mid ahaa dhowr safiir oo dowladdu u magacawday dalal dhowr ah, waxaa uu horay ula soo shaqeeyay Safaarada Mareykanka Nairobi qeybta Soomaaliya.

jamal (5)jamal (1)jamal (2)jamal (3)jamal (4)

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular