spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Puntland oo kormeer ku sameeyay goobo ku yaal Gaalgacyo:
Array

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Puntland oo kormeer ku sameeyay goobo ku yaal Gaalgacyo:

Madaxweynaha oo ay wehliyeen Wasiiro, xildhibaano, guddiga horumarinta iyo qaabeynta magaalada ayaa ugu horeyn kormeeray wadooyin la habeeyey , lagana dumiyey intooda badan dhismayaal sharci daro ah oo soo galay wadooyinkaasi.

Guddiga horumarinta iyo qaabeynta magaalada oo shaqo wanaagsan ka qabtay Gobalka Mudug ayaa ku guulaystay sidii ay wadooyinkaasi u balaarin lahaayen , iyagoo kaa shanaya shacabka jecel Nabadda iyo Horumarka ee Puntland , waxaa ayna dawladda ula shaqeynayaan shacabku si aan hagrasho laheyn .

 

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale kormeeray suuqa xera dayax gaar ahaan qeyb cusub oo dhisme ku socda , dawladuna ugu talagashay inay ku ganacsdaan shacabka reer Puntland.

Waxaana uu sidoo kale madaxweynuhu kormeeray xarunta madaxtooyada Dawladda Puntland ee magaalada Gaalkacyo oo ay ka socoto dhisme , lana soo gebagebeeyey aasaaska koowaad ee dhismaha xaruntaasi,

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug waxaa si habsami leh uga soconaya mashaariicda horumarineed ee Dawladda Puntland ugu talagashay, intii uu madaxweynuhu joogeynay waxaa uu ka qabtay shaqo adag oo ay ugu weyn tahay amnigii oo la sugay iyo mashaariicyo horumarineed oo laga daahfuray.

gaas oo kor meeray gaalkacyo

gaas oo kor meeray gaalkacyo

 

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular