spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Shegay In ay Jiraan Qorshe Dowladeed...
Array

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Shegay In ay Jiraan Qorshe Dowladeed oo lagu Dhawrayo Deegaanka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah-furey toddobaadka dhir-beerista Qaranka, kaddib munaasabad lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabaddan oo loogu diyaar-garoobayo maalinta dhirta oo ku beegan 17-ka April ayaa madaxweynaha waxaa uu taallada Daljirka Daahsoon ku beeray geed dhireed, isagoo khudbad kooban u jeediyay ururrada bulshada, ardayda iyo dadweyne fara badan oo halkaa isugu yimid.

“Dhirtu waxay muhiim u tahay nolosha aadamiga, xoolaha iyo in deegaanka la dhawro. Dowladdu waxay waddaa barnaamij ballaaran oo deegaanka wax looga qabanayo, kaasoo aan ka duwaneyn barnaamijyada dib u dhiska dalka,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ku boorriyay shacabka in munaasabaddan awgeed ay geedo badan beeraan, iyagoo ka fikiraya mustaqbalka jiilka soo socda ee Soomaaliyeed.

Munaabaddaasi waxaa kale oo kasoo qeybgaley xubno ka tirsan labada gole ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Maalinta_Dhirta_Xasan_Sheekh (1) Maalinta_Dhirta_Xasan_Sheekh (2) Maalinta_Dhirta_Xasan_Sheekh (3)

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular