spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Turkiga oo si diiran loogu soo dhaweeyay Dalka Faransiiska
Array

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Turkiga oo si diiran loogu soo dhaweeyay Dalka Faransiiska

Madaxweynaha Turkiga Rajab Tayyib Erdogan iyo xubno sare oo Dowladiisa katirsan, ayaa booqasho waxa ay ku tageen Dalka Faransiiska, waxaana Dalkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxda Faransiiska iyo kumanaan qof oo u badan dad kasoo jeeda Turkiga.

Dad kor u dhaafaya 10-kun oo qof ayaa Madaxweynaha iyo xubnaha la socda waxa ay kusoo dhaweeyeen Magaalada Strasbourg ee dalka Faransiiska, waxa uuna Madaxweynaha Magaaladaasi kula hadlay dadkii soo dhaweeyay oo u badnaa Jaaliyada Turkiga ee kunool Faransiiska.

Madaxweynaha Turkiga Rajab Tayyib Erdogan, oo Khudbad u jeediyay dadkii soo dhaweeyay ayaa ugu baaqay Madaxda Wadamada Yurub in xuduudahooda u furaan dadka qaxootiga ah ee dhibka ka caraya, waxa uuna sheegay in dalkiisa uu xuduuda u furay dadka kasoo cararaya colaada Siiriya iyo Ciraaq.

Rajab Tayyib Erdogan, ayaa booqasho waxa uu ku marayaa wadamo kuyaala Qaarada Yurub, waxa uuna maanta kusii jeedaa Xarunta Midowga Yurub ee magaalada Brussels ee dalka Belguim, waxa uuna halkaasi kula kulmi doonaa Madaxda Midowga Yurub si uu ugala hadlo qul qulka qaxootiga Yurub kusii jeeda.





MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular