spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Nin Hubeesan oo Weerar Qasaaro kala duwan dhaliyay ku qaaday...
Array

{DAAWO SAWIRADA} Nin Hubeesan oo Weerar Qasaaro kala duwan dhaliyay ku qaaday Tiyaatar kuyaala Mareykanka

Nin hubeesan ayaa weerar ku qaaday Tiyaatar Filimaanta lagu daawado oo kuyaala magaalada Lafayette ee gobolka Lousiana ee dalka Mareykanka , waxaana weerarkaasi ka dhashay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaaawac

Inta la xaqiijiyay weerarka lagu qaaday Tiyaatarka waxaa ku geeriyooday sadax qof uu ku jiro ninkii weerarka ka dambeeyayoo isagana is toogtay, waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay 7-qof oo kale oo ku sugnaa Tiyaatarka.

Ninka Weerarka geestay ayaa la sheegay in uu ahaa 58-sano jir cadaan ah, waxaana mar qura dadkii Tiyaatarka ku sugnaa oo ku mashquulsanaa daawashada Filimka Trainwreck , ay ka war heleen rasaas ka bilaabatay dhismaha Tiyaatarka.

Booliiska Magaalada Lafayette ee gobolka Lousiana ayaa wada baaritaan ay ku sameenayaan dhacdadan, walina lama oga sababta ka dambeysa weerarka uu ninkan hubeesan ku qaaday tiyaatarka ku yaala Magaaladaasi.





 

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular