Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa soo gaba gabeeyay booqashadii uu ku joogay dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi, isagoo goor dhow u duulay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Obama ayaa intii uu joogay magaalada Nairobi la kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo mas’uuliyiinta kale, isagoo kala hadlay arrimo badan.
Madaxweyne Obama ayaa maanta khudbad ka jeediyay Jaamacada Kenyatta University iyo Garoonka Kazarani, halkaasoo kumanaan dadweyne ugu khudbeeyay.
Khudbada Obama ayuu diirada ku saaray arrimo kala duwan oo ka mid ah musuq maasuqa, xuquuqda haween,a waxaana uu sheegay in siyaasad ku saleysan qabiil iyo isir ay horseedo bur bur.
Obama ayaa sheegay inuu yahay Madaxweynihii horeeyay ee Mareykan ah, hadana Kenyan ah, waxaana hadalkaas markii uu yiri ku muteystay sacab badan, wuxuuna dadkii ku yiri waa idin jeclahay.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa diyaarad lagaga soo qaaday magaalada Nairobi gudaheeda, iyadoo diyaarada ay keentay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta, halkaasoo uu ka sii raacay diyaaradiisii qaaska aheyd ee Air Force One.
Waxaa ku sagootiyay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta Madaxweyne Uhuru iyo mas’uuliyiin kale.
Booqashada Obama ee Itoobiya ayaa ah mid taariikhi ah, waxaana uu noqonayaa Madaxweynihii u horeeyay ee Mareykan ah oo khudbad ka jeediya Xarunta Midowga Afrika.