spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Qaabka quruxda badan ee Madaxweyne Xassan loogu soo dhaweeyay Magaalada...
Array

{DAAWO SAWIRADA} Qaabka quruxda badan ee Madaxweyne Xassan loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gellinkii hore soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa caawa ku hoyanaya Kismaayo.

Wafdigan oo ay ku jiraan Wasiirro iyo saraakiil ciidan ayaa Kismaayo u tagay furida dugsigga tababaraka ee 43-aad qeybtisa labaad ee Kismaayo. Sidoo kale waxaa ay Wafdigan maanta tababar usoo xireen ku dhawaad 2000 oo askari oo tababar ugu soconayay duleedka Kismaayo.

Caawa ayaa lagu wadaa in kulamo gooni-gooni ah uu dhexmaro madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda ugu sareyso maamulka Jubbaland oo uu u horeeyo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Lama oga ilaa iyo hadda kulamadan waxa ay noqon doonaan hase ahaatee waxaa la filayaa in ay noqdaan kuwa looga wada hadli doono sidii loo soo celin lahaa xiriirka dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland oo waayadaan ahaa mid mugdi ku jiray.

Jubbaland waxaa lagu wadaa in laga dhaadhacsho ka qeyb galka shirka mdinimada ee Muqdisho ka dhacaya 29 bisha soo socota, shirkaa Jubbaland iyo Puntland horay ayeey wada jir u wada diideen.

















 

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular