spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Qaabkii Ay U Dhacday Diyaradii Ku Burburtay Duledka Muqdisho
Array

{DAAWO SAWIRADA} Qaabkii Ay U Dhacday Diyaradii Ku Burburtay Duledka Muqdisho

Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan diyaar u suurtogeli weyday inay ku soo degto garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ugu dambeyntiina ku dhacday deegaanka Carbiska ee gobolka Sh/hoose.

Diyaaradan ayaan ilaa iyo hadda aysan ka hadlin dowlada waxaa lagu wadaa in goor dhow ay dowlada ka hadasho hase yeeshee waxaa diyaarada oo baalasheeda ay burbureen ilaalinaya ciidamada AMISOM iyo ciidamada dowlada.

Shaqaalaha diyaarada oo kaliya oo saarnaa diyaaradan ayaa la rumeysan yahay in ay u kireysnayd ciidamada AMISOM.

Mid ka mid ah shaqaalha diyaarada ayaa dhaawac fudud uu ka soo gaaray hase yeeshee waxaa wararku shegayaan in inta kale ay bad qabaan.

Shaqaalaha saarnaa diyaarada oo dhammaantood Masaari ah ayaa magacyadoodu lagu kala sheegay

Taariq Bayonmay,Saalax Cabdi Saadaq,Maxamed Subxi,Axmed Baradaj,Calaa Raflax iyo Shaxata Shanoni.

Waxaa goordhow lagu wadaa in laga dajiyo xamuulka saaran diyaarada oo aan la ogeyn waxa uu yahay.

Waa markii ugu horeysay ee diyaarad awoodi weysay inay ku degto garoonka diyaaradaha Muqdisho ay ku dhacdo duleedka magaalada Muqdisho inta la ogyahay.

cargo air (1)

cargo air (2)

cargo air (3)

cargo air (4)

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular