spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Qarax Lagu Dilay Xeer Ilaaliyihii Guud Ee Dalka Masar..
Array

{DAAWO SAWIRADA} Qarax Lagu Dilay Xeer Ilaaliyihii Guud Ee Dalka Masar..

Xeer Ilaaliyihii Guud ee dalka Masar Hisham Barakat, ayaa u geeriyooday dhaawac halis ah oo kasoo gaaray qarax maanta lala eegtay gaari uu la socday.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa markii hore la shaaciyay in uu dhaawac kasoo gaaray Hisham Baraka too ah Xeer ilaaliyaha Guud ee Masar hasa ahaatee Masuuliyiin sar sare oo katirsan Dowlada Masar ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in uu geeriyooday Xeer ilaaliyaha.

Hisham Barakat ayaa marar badan loogu hanjabay in la dili doono, waxa uuna Xeer ilalaiayah maanta qaraxa lagu dilay xukuno badan ku diray dad lagu soo eedeeyay falal argagaxiso iyo dad kale badan oo katirsanaa Ururka Ikhwaanul Muslimiin.

Wali ma jirto koox sheegatay Masuuliyada weerarka qaraxa loo adeeggsaday ee maanta lagu dilay Xeer Ilaaliyihii Guud ee dalka Masar Hisham Barakat, waxaana la filayaa in dhawaan Geerida Xeer ilaaliayaha ay war kasoo saarto Dowlada Masar

Hisham Barakat, waxaa xeer ilaaliyaha guud ee Dalka Masar u magacaabay bishii july ee sanadkii 2013-ka Madaxweynihii KMG ahh Adly Mansour , oo xilkaasi qabtay markii la afgambiyay Dowladii sharciga aheed uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Mursi.

A view shows burnt cars at the site of a car bomb attacked the convoy of Egyptian public prosecutor Hisham Barakat near his house at Heliopolis district in Cairo, Egypt, June 29, 2015.  REUTERS/Mohamed Abd El Ghany

Qarax1

A man moves his damaged car away from the site of a car bomb attack on the convoy of Egyptian public prosecutor Hisham Barakat near his house at Heliopolis district in Cairo, Egypt, June 29, 2015. REUTERS/Mohamed Abd El Ghany

Qarax3 Qarax4 Qarax5

 

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular