Dagaal gacanta la iskula tegey ayaa ka dhex dhacay qaxooti ka soo jeeda wadanka Siiriya iyo qaar kale oo ka yimid dalka Afghanistan xarun laga raaco tareenada dalka Croatia.
Dhagxaan,dhalooyin ama quraarado iyo ulo ayaa qaxootigu isku garaaceen iyagoo weliba isku ciriirinaya albaabada laga galo tareenka xarunta tareenada laga raaco magaalada Beli Manastir ee Waqoyi bari Croatia.
Qaar ka mid ah qaxootiga ayaa ku dhaawacmay balse ciidamada Booliska ayaa u isticmaalay budad sidii ay u kala celin lahaayeen qaxootiga iyadoo dagaalka qaxootigana uu ka bilowday halka laga goosto tikidhada tareenka.
Dhacdadan ayaa soo ifbaxday kadib markii ay dowlada Hungary bilowday in ay silig ku wareejiso xadka ay la leedahay Croatia maalmo kadib markii ay xadka dalka Serbia ay dhul gaaraya boqol mayl ku soo wareejisay silig sida sakiinta oo kale ah.
Qaxooti badan ayaa saaka ku soo qulqulayay dalka Croatia iyagoo ka imanaya Serbia, waxaana soo baxay dagaal afka ah oo u dhexeeya wadamada jaarka ah. Ra’iisal wasaaraha Croatia ayaa u sheegay maanta ilaalada xadka in qaxootiga ay u gudbiyaan wadamada Hungary iyo Slovenia, balse ra’iisal wasaaraha Hungary ayaa ku tilmaamay warkaas mid aan la aqbali karin.
Warar ayaa soo baxaya sheegaya in dowlada Croatia ay bilowday in kumanaan qaxooti ah u gudbiso dalka Hungary iyadoo sii marsiinaysa xadka waqoyi bari.
22 Bas ayaa la sheegay in ay yimaadeen dhinaca kale ee xadka dalka Hungary tuulo la yiraahdo Beremend waxana bas walba saarnaa illaa lixdan ruux, dadkaas ayaa waxaa ka horyimid illaa labo boqol oo booliska Hungary ah iyo ugu yaraan konton ah ciidamada milatariga waxana labo ka mid ah basaskii loo oggolaaday in ay gudaha u galaan Hungary iyadoo loo kaxeeyay meel aan la garanayn.
Wadamada Yurub ayaa haatan u muuqda inay kala kulmayaan jahwareer qaxootiga sida daadka oo kale ugu soo qulquaya wadamadooda.