Waxaa magaalada Ankara ee caasimadda turkiga lagu soo dhaweeyay Danjiraha cusub ee Dowlada Somalia u fadhin doona Turkiga Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.
Danjiraha Cusub Ee Soomaaliya Mr Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa waxaa si diiran usoo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Turkiga, Siyaasiyiin ka howlgasha Safaarada Soomaalida iyo xubno kale.
Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ah Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga, ayaa warbaahinta u sheegay in Danjiraha lagu soo dhaweeyay maqaam sare, waxa uuna sheegay in maalmaha soo socda la filaayo in waraaqihiisa danjirenimo u gudbiyo Madaxweynaha dalka Turkiga, si uu u sii guda galo howlaha dowlada Soomaaliya u idmatay.
Cabdiqaadir ayaa xusay inay tahay wax lagu farxo in safiirka ay ku so dhaweeyaan dalka Turkiga, isla markaana uu kulamo la qaatay howlwadeenada safaaradda, ayna diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan.
Dhawan ayaa dowlada soomaaliya u magacawday Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe Safiiirka Soomaaliya U fadhindoono Dalka Turkiga waxana lagu wadaa in dhawaan uu sibuuxdo ula wareego xilka danjire nimo