Waxaa maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland gaaray wafdi ay hogaamineyso Safiirada Dowlada Britain u qaabilsan Dalka Soomaaliya Harriet Matthews .
Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo waxaa Safiirada iyo xubnaha lasocday kusoo dhaweeyay Xubno katirsan Maamulka Jubbaland uu horkacayay Madaxweynaha Maamulkaasi Sheekh AXmed Madoobe.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa kulan gaar ah Garoonka Diyaaradaha Kismaayo waxa uu kula qaatay safiirada Britan u qaabilsan Soomaaliya Harriet Matthews , waxa ayna labada dhinac kawada hadleen arimo dhoor ah.
Waxyaabaha ay ka wadahadleen Maamulka Jubbaland iyo Harriet Matthews ayaa waxaa kamid ahaa sidii maamulkaasi ay Dowlada Britain u taageeri laheed iyo sidii ay gacan uga geesan laheed Dowlada Britain dagaalada uu maamulkaasi kula jiro Kooxda Al-Shabaab.
Dowlada Britain ayaa taageero mug leh siisa qaar kamid ah Maamul Goboleedyada dalka ka jira iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxa ayna Dowalada Britain mashaariic kala duwan ka fulisay qaar kamid ah Gobolada Dalka.

