Safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Wei Hongtian iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee Xarunta maamulka Puntland, iyadoo ay soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa danjiraha ku qaabilay xarunta madaxtooyada, iyagoo wada-yeeshay kulan qaatay dhowr saac, kaasoo ay warbaahintu ka ahayd dibad-joog.
“Waxaa maanta sharaf weyn noo ah in Garoowe aanu kusoo dhaweyno Danjiraha Shiinaha u fadhiya Somalia, Mr.Wei, Waana Socdaalkii ugu horreeyay oo uu halkan ku yimaado,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo warbaahinta hadal kooban siiyay kulankoodi kaddib.
Geesta kale, madaxweyne Gaas ayaa Madaxtooyada kula kulmay ku xigeenka wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Raisedon Zerenga oo ka mid ahaa wadiga soo gaaray maanta Garoowe.
Danjiraha Shiinaha ee Dalka Somalia iyo Mas’uulkan ka socday Qaramada Midoobay ayaa si wadajir ah u sheegay inay ka warqabaan xasiloonida Soomaaliya ka jirta, isla markaana ay dhinacyo badan ka taageeri doonaan maamulka Puntland.